Golaha Midowga Musharixiinta oo kasoo horjeestay habraacii doorashada.

11

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa yeeshay shir labo maalin qaatay, kaas oo ay ugu arrinsanayeen go,aan kooda ku aadan habraacii doorashooyiinka ay soo saareen gollaha wadatashiga qaran.

Golaha Midowga ayaa War-murtiyeed kasoo baxay maanta ku sheegay inay u taagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka ugu dhici lahayd doorasho cadaalad ah, xor iyo xalaal ah, taasoo leh sharciyad lagu wada kalsoon yahay, taas oo horseeda xasilooni siyaasadeed iyo kalsooni lagu qabo hannaanka dawladnimada.

Madaxdaan shirtay ayaa sheegay in uu si adag u u diidayo habraacii kasoo baxay gollaha wadatashiga qaran, kaas oo ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha gollaha shacabka BFS, si gaara ah qodobada la xiriira Oday dhaqmeedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka, kuwaas oo ay sheegeen in dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Goluhu wuxuu sheegay in uu muddo hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku doonayay inuu doorashooyinka dalka ku boobo, iyagoo tilmaamay in hadda aysan suurtagal ahayn in gollaha wadatashiga qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa tibaaxay in dusha sare uu magac doorasho ka sito gudahiisana uu magacaabis yahay, habraacii doorashooyinka ay soo saareen gollaha wadatashiga qaran iyagoo ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay ka mid tahay.

Golaha Midowga Musharixiinta shirkooda Qodobada ay ka soo saareen ayaa ah 7 qodob oo iskugu jirto Baaq iyo digniin, kuwaas oo ku aadan habraacii doorashada ay soo saareen gollaha wadatashiga qaran.

Hoos ka akhriso: