Cabdikariin Guuleed oo ka hadlay shirkii golaha wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

10

Musharax madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kamid ah xubnaha midowga musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in dalku uu u baahan yahay horu-socod iyo in hey,adihiisa dastuuriga ah dib loo soo doorto. waxa uuna ku baaqay in danta guud laga hormariyo danta gaarka ah.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in daraasad iyo wadatashi dheer ka dib uu soo dhaweynayo natiijada ka soo baxday shirka golaha wada tashiga Qaran iyo habraacyada kabaya heshiiskii 17 September ee uu golahu soo saaray.

Ugu dambeyn, waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in madaxda golaha wadatashiga Qaran iyo gudiyada loo igmaday doorashooyinka ay xil weyn iska saaraan habsami u qabsoomidda doorashooyin hufan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku  kalsoonaan karto.