Hirshabelle oo soo bandhigtay caqabadda ka hortaagan gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

3

Wasiir dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle Ifraax Salaad ayaa ka hadashay caqabadaha ka hortagaan madaxweyne Cali Guudlaawe in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta u tartamaya Aqalka sare ee ku matalaya Hirshabeelle BFS.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Hirshabeelle waxay sheegtay in caqabadda ugu weyn ay tahay tabashooyin ay qabaan beelaha qaar ee daga degaanada maamulkaas.

Sidoo kale, waxay sheegtay in magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in xal loogu helo tabashooyinka jira. iyadoo rajo weyn ka muujisay in guul laga gaari doono dadaalada socda.

Hadalka Wasiir dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle Ifraax Salaad ayaa kusoo beegmaya, iyadoo weli madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uusan soo gudbin liiska musharaxiinta u tartamaya aqalka sare ee BFS ku matalaya maamulkaas.