Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ansixiyay Xeer

16

Xildhibaanada Dowlad Goboleedka  Jubbaland ayaa yeeshay kalfadhigii 3aad fadhigiisa 7aad kaasoo Ajandihiisu ahaa ka doodista xeerka miisaaniyadda ku celiska ah.

Kulanka oo ay xaadireen Xildhibaanno gaaray 49 xildhibaan ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka misaaniyada Maamulka Jubbaland, waxaana codeeyay 48 mudane, iyadoo hal xildhibaan uu diiday, wax ka aamusayana ma jirin.

Gudoomiyaha guddiga habdhowrka Golaha wakiilada Jubbaland Xildhibaan Shugri Weyrax Kaariye ayaa warbaahinta u sheegay Xeerka miisaaniyadda ku celiska ah ee Jubbaland ee maanta la horkeenay Xildhibaanada uu yahay mid ansax ah.