Shirkii gollaha wadatashiga oo laga soo saaray war-murtiyeed.

2

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay goordhow Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran, kaas oo qaatay muddo laba maalin ah islamarkaana ay yeesheen Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Shanta Dowlad Goboleed Koofur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle, Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa laga soo saaray qodobo, kuwaas oo ay Madaxda Shirka ka wada yeesheen dood, qodobadaas waxaa ka mid ah in lagu dhisay guddiga Amniga doorashada oo Ra’iisul wasaare Rooble uu Gudoomiye u yahay uuna ku jiro taliyaha booliska Federaalka iyo taliyeyaasha maamul goboleedyada.

Musharaxiinta lacagaha ay dhiibaan waxaa ay si toos ah ugu dhici doontaa qasnada guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo si wadajir ah u soo xulaya Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Sidookale waxaa lisla afgartay oo qodobada ku jira in 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada ay dooranayaan musharixiinta aqalka sare ee gobolada waqooyi.

Hoos ka akhris qodobada shirkaan laga soo saaray oo garaya 7 qodob: