Cali Guudlaawe oo diyaarad lagu geynayo Beladweyne iyo xiisad halkaas ka taagan.

8

Warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ay fashilmeen daadaalo ay wadeen siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ku doonayeen in madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay ku geeyaan Magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in dadka degan gobolka Hiiraan ay ku adkeysteen in madaxweynaha Hirshabelle uu ka dego garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Kulamo ay  magaalada Beladweyne ku yeesheen dhaqanka diidan in Cali Guudlaawe  uu tago magaaladaasi, ayaa siyaasiinta waday dadaalada dhax dhaxaadinta  ah u sheegay in aysan aqbali karin in  Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyo Magaalada Beladweyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay socdaan qorsho ah in  madaxweynaha Hirshabelle  Cali Guudlaawe diyaarad Elacabtar ah lagu geeyo magaalada Beledweeyne, islamarkaana laga dajiyo  xerada ciidamada ee lama galay, xili halkaasi ay ku sugan yihiin wasiirka arrimaha gudaha, xildhibaano, saraakiil katirsan xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle iyo saraakiil ciidan oo laga diray Jowhar.

Dhanka kale duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad diidan in madaxweynaha Hirshabelle uu tago magaaladaasi, iyagoona xiisad ay ka jirta magaalada Beledweyne, islamarkaana cabsi ay soo wajahday shacabka ku nool Magaaladaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed, kaasi oo u dhexeeya madaxda Hirshabelle iyo dadka dega gobolka Hiiraan.