Rushka oo sheegtay inay sii shaqaynayso safaaradeeda magaalada Kabul.

4

Wasaaradda arrimaha dibbadda Rushka ayaa sheegtay inay sii shaqanayso saafaradeeda ku taala  magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan ayadoo inta badan dawladaha reer galbeedku la baxeen diblomaasiyiintoodii Kabul joogay.

War lagu baahiyay warbaahinta Rushka ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibbadda dalkaas laga soo xigtay inay illaa amar dambe sii shaqaynayaan diblomaasiyiintooda Kabul jooga.

Warkaan waxaa lagu sheegay in Rushku u arko ururka Taliban ee qabsaday talada dalka Afghanistan nidaam si caadi ah u shaqaynaya oo lala macaamili karo.

Wararku waxay sheegayaan in safaaradda Rushka ee Kabul ay furantahay ayadoo ay illaalinayaan ciidamo gaar ah oo Rush ah mana jirto cid Rushka u dhalatay oo Afghanistan laga daad gureeyay.

Shalay war kasoo baxay xafiiska m/weynaha Rushka Valadamir Putin ayaa lagu sheegay inay lasii shaqeyn doonaan dawlada Afghanistan loo dhisayo.

Rushka waxaa uu ka mid yahay dawladaha lagu tuhmo inuu caawinayay ururka Taliban 20,kii sanno ee ay dagaalka ku jireen. Dhanka kale Maraykanka ayaa bilaabay inay garoonka diyaaradaha Kabul ka daad gureeyay dadka doonaya inay ka baxaan dalkaas inkastoo saxmad iyo ciriiri badan ka jiro garoonka