Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii ugu dambeeyay si weyn baraha bulshada loogu faafiyay, oo ku aaddanaa in Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia laga joojiyay ka shaqeynta dalka.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay caddeysay in arrintaasi ay taahay bmid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, waxaana wasaaraddu ay intaas ku dartay in aysan jirin amar kasoo baxay oo kua addan labada shirkadood.

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia” ayaa laga yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaaradda.

Sidoo akle Wasaaradda ayaa digniin u dirtay Warbaahinta iyo  dadka baraha Bulshada ku faafiya wararka been abuurka ah.

“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan”.