Ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay weerar lagu qaaday Markab Ganacsi

5

Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Markab nuuca xamuulka qaada oo lagu magacaabo Ro-Ro oo watay calanka dalka Turkiga ayaa lagu qaaday weerar budhcad-badeednimo, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Xarunta Hawlgalka Wadajirka ee EU NAVFOR ayaa heshay digniin, kadib markii doon ay saarnaayeen 4-5 qof oo hubaysan ay isku dayeen in ay kusoo dhowaadaan markabka.

Markabka ayaa ku furay hub fudud iyo baasuukayaal (RPG).

Kaddib, ku dhowaad laba saacadood oo ay is-weydaarsadeen rasaas dhex-martay kooxdii weerarka soo qaadday iyo shaqaalaha ammaanka Markabka, ayay kooxihii weerarka geystay dib ugu soo laabteen xeebta.

Howlgalka midowga Yurub ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarin shaqaalaha iyo Markabka, isla markaasna wuxuuna gaaray dekedda Muqdisho todobaadkan.

In kasta burcad-badeednimada iyo dhaca badaha Soomaaliya laga hortagay oo la caburiyay sanadihii ugu dambeysay, haddana Midowga Yurub wuxuu sheegay dhacdadani in ay muujinayso inĀ  aan la dabar goyn burcad badeeda halista ku ah xeebaha Soomaaliya.