RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo la filayo in ay tagaan Sacuudiga.

2

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay safar ku tagi doonaan dalka Sacuudi Carabiya kadib markii madaxdaasi ay marti qaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Lama shaacin ujeedka rasmiga ah ee socdaalkooda, hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad  u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.

Sanadkii 2016 ayay aheyd markii Dowladda Imaaraadka carabta ay casuumaad wadajir ah u sameesay Madaxdii maamul goboleedyada ee markaa xilalka hayay.

Waxaana markaasi madaxda lagala hadlay isbedel lagu sameeyo qabsoomida doorashada sanadkii 2017.