Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda ka taagan degmada Jalalaqsi.
Sacdiya Yaasiin ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee wada dega degmada Jalalaqsi uu yahay arrin murugo leh oo saameyn ku yeelanaysa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka.
Waxay ugu baaqday waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo dhammaan bulshada Hirshabeelle inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana la helo xal nabadeed oo waara.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale caddeysay in Golaha Shacabka uu taageersan yahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo walaaltinimada shacabka deegaanka.
Ugu dambeyn, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku baaqday in la ilaaliyo nabadda, lana joojiyo wax kasta oo horseedi kara colaado hor leh, iyadoo xustay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada.











