Qarax miino oo lagu dilay guddoomiyihii deegaanka garasbaaleey

9

Guddoomiyihii deegaanka Maxamed Abuukar Afrax Garasbaaleey ayaa muqdisho ku geeryooday goordhow, kadib markii uu dhaawac daran kasoo gaaray qarax miino oo lala eegtay guddoomiyaha.

Marxuumka ayaa daqiiqado ka hor qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo Garasbaaleey gaar ahaan waaxda Fooriloow, isagoona markaasi gaari nuuca raaxada ku socday.

Waxaa sidoo kale bishii May ee isla sannadkaan qarax lagu dilay guddoomiyihii isaga uga horreyay degmada Garasbaalley C/raxmaan Garyare Allah ha unaxariistee.