Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Mudug.

7

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay meel u dhaw deegaanka Caad ee Koofurta gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab,

Dagaal kaan oo ahaa mid xooggan islamarkaana lisku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala soo gaaray labada dhinac, iyadoo taliyihii uruka horseed ee daraawiishta Galmusug Maxamed Cali Salaad, Taliyihii Ciidamada Mariiniska Galmudug iyo askar kale oo gaaraya shan ay ku geeryoodeen dagaalka intii uu socday.

Sida ay goob-joogayaal KNN u xaqijiyeen, deegaanka lagu dagaalamay waxaa hadda ku sugan xubno ka tirsan Al-shabaab, iyadoo Ciidamada daraawiishta Galmudug oo garab ka heleyo dadka deegaanka ay dib ugu gurteen halkaa lagu dagaalamay ka islamarkaana ay ku sugan yihiin meel aan sidaasi uga fogeyn deegaanka.