Ciidamada Galmudug oo la wareegay saldhiggii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahaayeen Mudug

13

Ciidamadda Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maantay la wareegay Saldhiggii ugu weyna ee Al-shabaab ay ku lahaayeen aagga deegaanka Shabeelow ee Koofurta Gobolka Mudug, isla markaana ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada ay ka fuliyaan gobolkaasi.

Ciidamadda la wareegay goobahaaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale, waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab Khasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaalameyaasha Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa, iyadoo dhammaan la burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen.

Saraakiisha hogaaminaysa Howlgalkaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin khasaare Ciidamada ka soo gaaray howlgalka isla markaana ay ku guulaysteen qorshihii Howlgalka.