Dadka ku dhintay qalalaase ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

7

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC -da u sheegay in ugu yaraan laba qof oo rayid ah la dilay iyadoo boqolaal qof oo isku dayayay inay ka baxaan Afgaanistaan ​​ay weli ku sii qulqulayaan garoonka caalamiga ah ee Kabul.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tirada dhimashada intaas ka badan ku sheegtay, iyadoo hal goobjooge uu sheegay inuu arkay meydadka shan qof oo gaari lagu qaaday.

Ciidamada Mareykanka, oo la wareegay gegida diyaaradaha iyagoo daad -gureynta magaalada ka sii socota, ayaa lagu soo warramayaa inay cirka u rideen qabado si ay u kala eryaan kummanaan kun oo qof oo isku guray garoonka diyaaradaha ee Kabul shalay iyo maantaba.

Muuqaalkan ayaa muujinaya sida xaalka ahaa, iyada oo dadka diyaaridihii dhabaha yiilay ay iska buuxiyeen, in kale oo badana aysan wax diyaarad ah helin.