Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo kulan layeeshay Midowga Musharixiinta

4

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal  mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta kulan la yeeshay midowga Musharaxiinta.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kulanka goobjoog ka ah, waxaana labada dhinac ay is dhaafsanayaan talooyin ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashooynka ay noqdaan kuwo xur iyo xalaal ah.

Intii uu kulanku socday Waxa la isku waydaarsaday talooyin iyo afkaaro ku aadan geeddi socodka doorashooyinka Dalka.