Midowga musharaxiinta oo ku baraarugay Hindisaha Habraac ku jira heshiiskii doorashada+walaac ay qabaan

8

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baraarugay qabyo qoraalka Hindisaha Habraaca Xulida Ergooyinka oo awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana la filayaa in shir berri isugu imaan doonaan inay ka fal celiyaan arrintaan.

Warqadan waxaa sidoo kale ku qoron in kaliya wax soo xulidda ay leeyihiin ergooyinka ka diiwaan gishan Dowladda Federalka islamarkaana ay dabagal ku sameyanayaan ergooyinka hay’adaha amniga.

Warqadan ayaa awood gaaar ah siineysa madaxda maamul Goboleedyada kuwaa oo soo xuli doono ergooyinka taa oo ah mid inta badan aysan ku baraarugsaneyn midowga musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa jirta jufooyin iyo beelo ka cawanaya in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin ergooyinka kuwaa oo sanadii hore ay magacooda ku codeeyeen dad aan u dhalan.

Waxaa muuqata in Masaaliixda qaar kala guurtay (kuwii Badbaado Qaran) qaarna isku guurtay (Madaxda Dowlad Goboleedyada), waxay noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran.

Lama oga sida arrintan ay uga falcelin doonto xukuumadda SOOMAALIYA iyo waliba madaxda dowlad goboleedyada iyadoo arrintan ay lama filaan ku noqotay.