Wararka Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Ururka ONLF

13

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo weli kulamo ka wada Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Ururka ONLF C/raxmaan Maxamed Sheekh Mahdi Maadeey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hoyga uu ka dega yahay Magaalada Nairobi ku qaabilay Guddoomiyaha oo booqasho ugu tegay, iyagoo iska wareystay xaaladdaha siyaasadeed ee Gobolka.

Xalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmay Cabdikariin Muuse Qali-dhagax oo sanadkii 2017-dii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya, sidoo kalena Ururka ONLF ay Golaha Wasiirada oo shiray u aqoonsadeen Urur Argagaxiso.