RW Rooble Oo Nairobi Kulan Kula Qaatay Qaar Ka Mid Ah Safiirada Beesha Caalamka

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi qaar ma mid safiirada beesha Caalamka oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyay safiirada xaaladda guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan doorashada Golaha Aqalka Sare ee dalka., Howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Nairobi uu kulamo la qaadan doono madax kale duwan.