Musharax Daahir Geelle ‘’ Doorashooyinka Aqalka sare sida ay ku bilaawdeen waa arrin laga xumaado”

2

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta xilligaan ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay kujiraan halgan ah in doorashooyinka Soomaaliya ay ku noqdaan kuwo xor iyo xalaal ku dhaca .

Musharaxa oo safar ugu manqaa dalka dibadiisa, isla markaana Muqdisho kusoo laabtay ayaa sheegay in ay jireen dib u dhacyo badan, balse ay aad ugu faraxsan yihiin in horay loo dhaqaaqay oo ay doorashooyinka bilaawday.

Waxaa uu hadaliiisa uu intaasi ku daray in sida hadda ay u socdaan howlaha doorashooyinka ay yihiin kuwo aan dan u aheyn ololahooda doorashada iyo danta Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu si cad u sheegay in wax laga xumaado ay tahay sida ay doorashooyinka ku bilaawdeen.

“ Sida ay hadda doorashooyinka u socdaan waa arrin aan wanaagsaneyn oo dhibaato ku ah dowlad goboleedyada iyo in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana eeda leh cidda dejisay nidaamka ay u socdaan doorashooyinka Soomaaliya ayuu yir” Musharax Daahir Geelle.

Ugu dambeyn Musharax Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in doorashadaan doorashadii ka horreeysay cabashooyin badan ay ka imaadeen, isla markaana maamuladii doorashadaas qabtay ay ku timid duufaan siyaasadeed dadkii madaxda ka ahaana ay xilalkii waayeen.

Hadalkaan kasoo yeeray Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta xilligaan ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli doorashooyinka Aqalka sare ee ka bilaawday muqdisho ay ahaayeen Xubnihii ku guuleystay kuwo ay soo qorteen Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana aysan gelin tartan adag.