Yuusuf Garaad oo si adag kaga hadlay doorashooyinka aqalka sare.

17

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa boggiisa gaarka ah ee Facebook ku daabacay maqaal uu kaga hadlay doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ay ka bilaabatay maamul goboleedyada qaar.

Maqaalka ayaa u qornaa sidan:

Wakhtiga gelaya “Doorashada” Aqalka Sare waa la soo gaabin karaa. Kharashka ku baxayana waa la dhimi karaa.

Waa haddii laga xishoodo naxliga la isu meerinayo. Waa haddii aan runta laga gabban.

Uma furna muwaaddin kasta in uu u tartamo Aqalka Sare.

Awood waxaa loo siiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo iyagu noo sheegaya shakhsiyaadka ay tahay in ay u tartamaan kuraasta.

Madaxweynayaasha waxay xikmaddoodu siisay oo ay doorbideen in kuraasta aanay u soo xulin ‘murashixiin’ tartami kara ama xataa raba in ay tartamaan.

Waxaan is weydiiyay – maxaa diidaya in Madaxweynaha Gobolka awood loo siiyo in uu soo qoro liiska xubnaha uu doonayo in ay ku matalaan Aqalka Sare, ka dibna uu ka ansixiyo Baarlamaanka Gobolka?

Waxay beekhaamin lahayd wakhtiga gelaya waxa hadda loogu yeero “doorashada” Aqalka Sare, laakiin runta ah Xulidda Aqalka Sare.

Waxay dhimi lahayd ama baajin lahayd kharashka ku baxaya Xulidda.

Waxaase iiga muhiimsan in aan noqon lahayn bulsho runta isu sheegta.

Waxaan ka baaqsan lahayn in la isu sheego war, kan sheegaya iyo midka uu u sheegayaaba ay og yihiin in aanuu run ahayn.

Waxaan ka baaqsan lahayn in dadweynaha lala soo hor istaago war aan run ahayn, dadweynuhuna og yahay in aanuu run ahayn, laakiin si uu wax uga qabto aanay hadda u sahlaneyn.

Waxaan ka baaqsan lahayn daawashada cayaaraha Gobollada ka socda ee kuwa jilaya ama iska dhigaya in ay cayaarayaan, garsoorayaasha seeriga u haya iyo inteenna daawaneysa aan sii wada og nahay natiijada.