Qarax lala beegsaday haween saarnaa mooto bajaaj oo ka dhacay Mudug.

7

Gobolka Mudug waxa la soo weriyay in dad rayida oo la socday mooto bajaaj ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda la dhigay meel aan sidaa uga fogeeyn deegaanka Bacaadweyn.

Dad ku sugan Bacaadweyn ayaa u sheegay in dhawr qof oo dumar ah oo la socday moota bajaajta ay dhinteen, mooto wadihiina uu soo gaaray dhaawac culus.

Illaa hadda ma cadda sababta loo beegsaday haweenka la socday mooto bajaajta.