Maxay ka wadahadleen Rooble iyo Uhuru Kenyatta?.

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.