AMISOM oo ka hadashay weerar ka dhacay Shabeellada hoose

1

Qoraal la soo dhigay bogga twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in xilli ay ciidamada Uganda ilaalinayeen waddada wayn ee isku xirta Beledul-amiin iyo Golwayn ee Shabeellaha Hoose, in Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah soo qaadeen.

AMISOM ayaa lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku “laayeen” meesha uu weerarka ka dhacay agteeda.

“Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri Nuur.

Balse Qoraalka AMISOM waxaa ku xusan: “Intii is difaacidda ay socotay, 7 argagixiso ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, hubna waa la soo qabtay.”

“AMISOM waxay bogaadineysaa geesinimada iyo howlgalka degdegga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay”, ayaa ku xusan qoraalka.