Madaxdii hore ee dalka oo kulan la yeeshay Ra’iisul wasaare Rooble

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Waxaa sidoo kale looga hadlay khilaafka ka taagan doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii kulankaasi ka qeyb galay.

Kulankaan ayaa yimid xilli uu khilaaf culus uu ka dhex taagan yahay Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.