Faah Faahin:-Ganacsade Lagu Diley Magaalada Beledweyne

5

Wararka aan ka helayno Magaalafa Bledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in xalay Magaaladaasi uu dil ka dhacay, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Wararka aan helnaya aayaaa sheegaya in Xalay Magaalada Beledweyne lagu dilay Cumar Yuusuf Cali Ducaale oo ka mid ahaa ganacsatada Gobolkaasi Hiiraan, waxaana la sheegay Marxuumka in lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.