askari Muqdisho ku dilay Macalin Jaamacadeed

1

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho uu ku dilay mid kamid ah Macalimiinta Jaamacaha ku yaal magaalada Muqdisho caana ka ahaa Muqdisho.

Macalin la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jira Ustaad Cabdraxmaan Xuseen Caamir, waxaana la sheegay in uu u geeriyooday rasaas uu askariga ku riday dad ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha.

Mid ka mid ah Ardayda uu wax bari jiray macalinka ayaa sheegay in askariga uu rasaasta u waday Mooto Bajaaj meesha mareeysay, isla markaana askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday.