Koofur galbeed soomaaliya oo soo saartay liiska musharixiinta Aqalka Sare.

2

Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa maanta soo saartay liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa warqad labo bog ka kooban kusoo saaray liiska Tartamiyaasha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha waxaa uu soo gudbinayaa Xubnaha musharixiinta ka mid noqonayo kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya”

Magacyada Xubnaha uu madaxdweynaha soo saaray waa kuwaan:

Aadan Cabdinaasir Maxamed

Maxamed Xasan Aadan

Dr. Xuseen Maxamed Daahir

Xasan MAXAMED Nuur

Zamzam Ibraahim Cali

Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim

Maxamuud Maxamed Cabdi Nuur (Garabeey)

Nuur Baabul Cadow

Ayaan Aadan Cabdullaahi

Farxiyo Nuur Aadan.