Muqdisho oo la keenay ciyaartoydii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Kismaayo.

9

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhaawacayada labo ka mid ah ciyaartoydii shalay Kismaayo bas ay saarnaayeen lagula eegtay qarax xoog leh , kuwaas oo ku sii jeeday garoonka ciyaaraha ee Waamo.

Cayaartoydan oo dhaawacoodu culus yahay ayaa loo keeyay isbitaalka Digfeer ee muqdisho si halkaa lagula tacaalo dhaawacayada ay qabaan, kadib markii wax looga qaban waayay magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland.

Saddex qof oo labo ka mid ah ahaayeen cayaartoy iyo darawalkii baska ayaa ku geeriyooday qaraxii shalay, oo dhacay xilli cayaartoydu isku diyaarinayeen ka qeyb qaadashada furitaanka horyaalka kubbada cagta heer koowaad ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo qaraxa kaddib furay horyaalka Jubbaland, ayaa sheegay ujeedada laga lahaa weerarkaas inay tahay sidii loo  joojin lahaa tartanka lana cabsi galiyo dhalinyarada.