KISMAAYO;INNAA LILLAAHI, WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN.

7
Shalay abaare 3:20 daqiiqo ayaa agagaarka Golol ee magaalada Kismaayo qarax lala beegsaday Gaari Bas (Bus) ah oo ay lahayd Kooxda Kubadda Cagta ee JCCI, waxaana xilliga uu qaraxa dhacayay baska saarnaa 13 ciyaaryahan, waxaa sidoo kale bannaanka kore ee Baska joogay oo u diyaarsanaa in ay Baska raacaan Macallin kuxigeenka naadiga, Gudoomiyaha iyo Wadihii gaariga.
Qaraxa oo ay saraakiisha amnigu noo sheegeen in  gaadhiga lagu xidhay ayaa ahaa mid xooggan.
Waxaa Baska ku dhex geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Ciyaaryahankii daafaca kooxda C/fitaax Xasan C/laahi, sidoo kale waxaa geeriyooday Darawalkii Baska Maxamed Aadan Muuse (Qaam) oo taagnaa qeybta danbe ee Baska oo ah halka uu qaraxu ka kacay.
Waxaa gudaha Baska laga soo saaray isagoo dhaawac halis ah qabo Hanad Xuseen Yuusuf oo kamid ahaa ciyaaryahannada kana dheeli jiray Daafac Danbe, kaasoo Allaha u naxariistee xalay Isbitalka ku geeriyooday oo aan saaka soo aasnay.
Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen ilaa 6 ciyaaryahan oo kala ah;
1. Amiin Sheekh Maxamuud
2. Cismaan Xasan Cismaan (Xiireey)
3. Maxamed Yariisow
4. Siyaad Salaad Kamas
5. Bashiir Nuur Xiroow
Ciyaartoyda ayay dhaawacyadoodu u kala culusyihiin sida ay u kala horeeyaan.
Labada u horeeysa oo dhaawacyadooda wax looga qaban waayay Kismaayo waxaa daweyn loogu qaaday magaalada Muqdisho.
Mahadcelin.
Waxaan u mahadcelinaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee nala murugooday, tacsida iyo ducooyinkana nala soo wadaagay kadib masiibadii dhacday, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaynaa Bahda Isboortiga oo ay ugu horeeyso wasaaradda Isboortiga iyo Dhallinyarada Jubbaland, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Xiriirka kubadda cagta Soo.aaliya iyo kan Jubbaland oo dhammaantood kaalin ka geystay gurmadkii loo fidiyay dhibanayaasha.
Waxaynan marna ilaabi karin dareenkii walaaltinimo ee ay noo muujiyeen kooxaha kubadda cagta dalka guud ahaan,  gaar ahaan kuwa Jubbaland.
Eebbe caafimaad taam ah ha siiyo walaalaheen ku waxyeeloobay weerarka, innana sabir iyo Iimaan hanaga siiyo.