Kismaayo: khasaare ka dhashay qarax lala eegtay Bus waday Ciyaartoy

10

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaari bus ah oo ay saarnaayeen ciyaartoyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in qaraxu sababay dhimashada dhowr ciyaartoy isla markaana uu socdo gurmad loo fidinayo ciyaartoy kale oo ku jira goobta.

Qaraxa ayaa waxaa garigii uu sarnaa loogu xirey Kaaliyaha Xoghayaha xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mohamed Ali Jabane iyo kooxda JCCI oo u socdey Furitaanka Garoonka Waamo ee kismaayo.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo dhamaantoodba ah Ciyaartooydii gaariga saarneed,waxaa ka bad baadey Qaraxaasi  oo keliyaKaaliyaha Xoghayaha xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mohamed Ali Jabane oo la rabey in lagu Qaarajiyo Qaraxaasi.

Ciyaartoyda waxaa ay ku sii jeedeen garoonka halkaa oo laga daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada ka dhisan.