Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika oo irdaha lis kugu dhuftay.

20

Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, ahna Lataliyaha koowaad Safaaradda Mudane Cabdalla Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay Safaaradda hakin doonto howlaheeda ay u heysay muwaadiniinteeda.

Mudane Cabdalla Cali Safiir ku xigeen Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay inuu heer sare marayo faafitaanka Cudurka Covid-19 sidaas darted ay Safaaraddu xirnaan doono 14 cisho.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayuu kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadama uu cudurka badanayo faafitaankiisa.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si maalinle ah u geeriyooda dadka Cudurka Covid19, iyadoo uu khudbad uu jeediyey xalay Madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in uu dalkiisa dhawaan bilaabay tallaalka cudurkan.