Taliyaha Ciimada Militariga Itoobiya oo sheegay in uu sugayo amar kaliya si uu u weeraro Maqalla.

30

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa sheegay in uu sugayo oo kali ah amarada madaxda ka sareysa si mar kale guluf dagaal loogu qaado gobolka Tigrey.

Taliyaha ayaa la hadlayay wakaalada wararka ee dowladda Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adda cunada aduunka ee WFP ay sheegtay in kolanyo gargaar siday lagu weeraray axaddii meel 115 KM u jirta magaalada Semera, ee caasimada gobolka Canfarta.

Hay’adda ayaa sheegtay in saraakiishooda ku sugan Itoobiya ay ka shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa cidda weerarkaasi ka dambeysay.

Xiisadda ayaa aad u kacsan dalka Itoobiya xill ay dowladda dalkaasi ay waddo abaabulka ciidamo la dagaalama xoogagga gobolka Tigrey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka imika uu ku sii fidayo gobolada kale ee dariska la ah gobolka Tigrey.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa ugu baaqay jabhadda TPLF in ay xushmeeyaan xabad joojintii labada dhinac ahayd.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa horey ugu baaqay dowalad deegaanada inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xogagga TPLF.

Xigasho:- BBC SOMALI NEWS