Saraakiisha Haiti oo soo xiray Madaxii ugu sareeyay ee ammaanka Aqalka Madaxtooyada ee dalkaasi.

2

Saraakiisha Dalka Haiti ayaa soo xiray Madaxii ugu sareeyay amaanka Aqalka Madaxtooyada Demetri Hirard si baaritaan loogu sameeyo kadib khaarijintii Madaxweyne Jofenel Moys.

Afhayeen u hadashay Booliska ayaa u sheegtay Wargeyska New York Times in ninkaan wax laga weydiinayo sababta ilaalada Madaxtooyada ay usameyn waayeen iska caabin weyn si Madaxweynaha loo difaaco.

7dii Bishaan ayay ahayd markii 26 Qof oo kasoo jeeda Colombia weerar toos ah ku qaadeen Aqalka uu kusugnaa Madaxweynaha ayna rasaas hubiyeen dhaawacana uu goor dambe ugu geeriyooday.