Jubbaland “Doorashada Aqalka Sare waqtigeeda ayaan ku qabaneynaa

4

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in  25 bishaan ay qaban doonaan  doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya maamulka Jubbaland.

Guddiga  ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxay  barlamaanka Jubbaland ugu baaqeen in ay magacaabaan guddiga doorashada aqalka sare oo ah doorashada ugu soo horaysa ee dhawaan bilaabanaysa.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan tagay magaalada Kismaayo, iyagoo ka bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dalk

a.