Galmudug oo ka hadashay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay G.Mudug

1

Maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga iyo kuwa daraawiishta Galmudug ku leeyihiin agagaarka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu yiri:

“Kooxda argagixisada Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah, balse Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaana goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa”.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ay wadaan howl-gallada ka dhan kan ah Al-Shabaab, isla markaasna ay ku sii siqayaan magaalada Camaara, iyagoona tilmaamay in ay burburiyeen difaacyo ay Al-Shabaab dhigeen hareeraha Camaara iyo Bacaadweyn.