Farmaaajo Oo Dhigiisa Turkiga U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Midnimada Iyo Dimuqraadiyadda Dalkaasi

2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordugan, Shacabka iyo Xukuumadda Dalkaas Xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka walaalahooda Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.