Shirka madasha garsoorka gobolka Banaadir oo lasoo xiraayo maanta

18

Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa hanaanka garsoorka dalka iyo fulinta dacwadaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in marka la gaaro doorashooyinka go’aan kasta oo ay qaataan Guddiyada Doorashooyinka inay yihiin kuwa ku kooban go’aano maamul oo aysan aheyn go’aan garsoore.

Shirka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaa ka qeybgalay  garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda  Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirka Madasha Garsooreyaasha ayaana lagu wadaa in la soo gebogabeeyo saacadaha soo socda. Shirkan oo barqonimadii shalay furmay ayaa looga hadlayaa arrimaha Garsoorka.