Dhaqaatiir ka timid Somaliland oo Transit ku ahaa Garoonka Aadan Cadde oo lagu celiyay Hargeysa

5

Labba dhakhtar oo ka mid ah shaqaalaha Cusbitaalka Dr Adna Aadan, oo u socda dalka Kenya kana tegey Hargeysa ayaa dhowaan lagu xidhay Muqdisho oo ay Transit (hakad) kusii ahaayeen.

Xubnahan oo 3 maalin Xamar ku xanibnaa ayaa maanta loo soo tarxiilay Hargeysa waxaana la sheegay in laga jeex jeexay Passportka Somaliland oo ay ku safrayeen.

Dr Adna ayaa saxaafadda usheegtay in ay nasiib wanaag tahay in Shaqaale laga qafaashtay usoo badbaadaan.

Waxaa kaloo ay ku eedeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya in Shaqaallaha ay dhibaateysay , islamarkaana Visaha Kenya ay heysteen.