RW Rooble oo kulan looga hadlay amniga doorashooyinka la qaatay guddiga amniga doorashooyinka.

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira taliyeyaasha booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka banaadir iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray u diyaargarowga howlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhanka amniga iyo sidii loo sugi lahaa goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxa uu kamid yahay saraakiisha loo xil saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.