MW Hirshabeelle oo kulan la qaatay guddiyada doorashooyinka heer DG

9

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan qado sharaf ah la qaatay gudiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed, heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka ee Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe oo kulankaan ay ku wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa gudiyada kala duwan ee Doorashooyinka kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan cadaaladda oo ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo jawi nabdoon ku dhacda, isagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo sida ay uga go’an tahay gudashada mas’uuliyadda adag ee dusha ka saaran.