Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle oo gaaray Buullo-barde

28

Wafdigan uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa gaaray Degmada Buulo-Barde ee gobalka Hiiraan, halkaas oo siweeyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka soo ambabaxay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Barde kusoo dhaweeyay, Maamulka degmada, Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Buulo-Burde.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro dhismaha Taliska qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga ee degmada Buulo-barde, kaasi oo dhawaan degmada laga dhisay.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaadan doonaa odayaasha dhaqan, madaxda degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna kala hadli doonaa xaalada magaalada.