Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Rooble Oo Gaaray Magaalada Garbahaarey

17

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Ra’iiusl Wasaare Rooble oo safarkiisa ku wehlinayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa Garoonka Garbahaarey kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah degmadaas iyo dadweyne farabadan.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dadaajinta arrimaha doorashada iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafkii ka jiray Gobolka Gedo, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Garbahaarey, Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda deegaanka iyo Arrimaha dib u heshiisiinta ka bilaabaya halkaas kala hadli doona Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Garbahaarey ayaa kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Maamulka degmadaas isku haaya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka

Ammaanka guud ee Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga degmada iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa ilaalada Ra’iisul Wasaare Rooble.