Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Joojiso Buuxinta Biyo Xireenka Webiga Nile

5

Qaraar qabyo ah oo ka soo baxay Dowladda Tunisiya oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhigeeda Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Nile.

Tunusia ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo Xukuumadda Addis Ababa looga codsanayo inay joojiso buuxinta biyo xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile, kaasi oo ay sheegtay in uu sababi karo isku dhac u dhexeeya waddamada wadaaga Biyaha Wabiga Nile, oo ay ka mid yahiin Masar iyo Suudaan.

War ay baahisay wakaaladda wararka Faransiiska, ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ay ka codsanayo Masar, Itoobiya iyo Suudaan in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyaha Nile.

Sida ku xusan qaraarka qabyada ah ee ay ka soo baxay Tunusia, ayaa lagu sheegay in ay muhiimtahay hubinta awooda ay Itoobiya u leedahay inay soo saarto tamarta laga dhaliyo Biyo xireenka Al-Nahda iyadoo laga hortagayo in waxyeello loo geysto amniga biyaha Nile.

Tallaabada haddii ay Itoobiya ku dhaqaaqdo waxaa ka dhalan karo xiisadda u dhexeysa saddexda dal, halka Tunusia, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Amniga, ay codsatay kulan deg-deg ah oo ay yeeshaan golaha si looga hadlo arrinta Biyo xireenka Nile.