Guddiga doorashooyinka Dowlad gobaleedka Puntland oo doortay Guddoon.

12

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland, iyaga oo Maanta kulankooda ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka guddoomiyaha isku soo taagay Cabdikariim Muuse Maxamed, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland, isaga oo helay 11 Cod.

Xilka jagada guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa  waxa isku soo sharaxay Caynaanshe Yuusuf Xuseen,, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan uu helay 11 Cod, isaga oo noqday Guddoomiye kxuigeenka Gudiga doorashooyinka Maamulka Puntland.

Horay waxaa Guddoon u doortay Guddiyada doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug , waxaana la filayaa in sidoo kale ay dhacdo doorashada Guddoonka Gudiyada doorashada, HirShabeelle iyo Jubbaland.