Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Boorama

21

Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa arday dhigta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa xalay lagu dilay gudaha jaamacadda.

Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ka soo jeeday deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaalada jaamacadda, kadib markii ay wada murmeen, sida la sheegay.

“Ardaygu imtixaan ayuu ka sooo baxay, markii uu baxaanka u soo baxay ayuu xasuustay taleefoon uu soo ilaaway, kadib wuxuu ku noqday gudaha jaamacadda, badabeedna dilkiisa ayaan ku war helnay, waxaa naloo sheegay in uu dilay mid ka mid ah waardiyaha jaamacadda”

Ninka dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta Booliska Somaliland, wuxuuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Boorame.

Marxuum Ibraahim ayaa labadii sano ee dambeeyay dhiganayay kulliyada Injineeriga ee jaamacadda