Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray Oo Shuruudo Adag Ku Xirtay Inay Aqbasho Xabbad Joojinta

2

Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray, oo sideeddii bilood ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay ciidammada dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay soo saartay liis dheer oo shuruudo ah oo ay ku aqbalayso xabbad joojinta.

Waxaa ka mid ah in TPLF loo aqoonsado inay tahay dowladda sharciga ah ee gobolka iyo in laga saaro dhammaan ciidammada Eritrea, sidoo baarayaal madax bannaan ay baaraan dambiyada dagaal ee gobolkaasi ka dhacay.

Arrintan ayaa imanaysaa maalma uun kaddib dagaal culus oo ay soo qaadeen ciidammada Tigray-ga uu horseeday inay dib u qabsadaan gobolka xilli saraakiishii dowladdana ay halkaas isaga baxaeen.

Markaas kaddib ayey mas’uuliyiinta Addis Ababa waxa ay ku dhawaaqeen xabbad joojin hal dhinac ah.

Weriyayaashu waxa ay sheegayaan inay adag tahay indowladda Itoobiya ay aqbasho dalabaadka TPLF.