Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

12

Qarax xooggan oo is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay goob makhaayad ah oo u dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Makhaayadda ayaa ku taalla inta dhaxeysa isgoyska Jubba iyo Maana-boolyo ee degmada Shibis, waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay ku sugnaa dad u badan shacab.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray waddooyinka soo gala isgoyska Jubba.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay, balse ma jirto tiro rasmi ah oo ay booliisku sheegeen.