Ciidamada Mareykanka oo 20 sano kadib banneeyay saldhig muhim

4

Ciidamada Mareykanka ayaa 20 sano kadib waxaa ay Saaka oo Jimca ah ay isaga  baxay saldhigga Bagram ee Afghanistan.

Askarta Mareykanka ee ka baxay saldhigaasi ayaa  waxaana lagu qiyaaseyaa 2,500 -3,500.

Saldhiggan oo ahaa mid dhinaca  cirka ah ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Difaaca iyo Amniga Qaranka Afgaanistaan, Sarkaal Ameericaan ah oo aan la shaacin magacii ayaa sidaasi u sheegey wakaaladda wararka AP Maanta oo Jimca ah.

Ciidamada Mareykan eek u sugan gudaha Afghanistan ayaa la filayaa in bisha September ee soo socota ay billaabaan ka bixitaankooda dalkaasi.