Guddiyada Xuquuqul Iinsaanka Oo Walaac Ka Muujiyay Dhalinyaro U Xiran Somaliland

2

Guddiga Xuquuqul insaanka Degaanada Somaliland ayaa ka hadlay dad isugu jira Rag iyo dumar oo Gudaha Somaliland lagu xiray, kadib markii maalmaha xorriyadda ay ku dabbaal dageen Calanka Soomaaliya.

Dadkaas xabsiyada la dhigay oo isugu jira rag iyo dumar, dhallinyarana u badan ayaa waxaa ay sheegeen Guddiga Xuquuqul Insaanku in ay dhibaatooyin culus wajahayaan.

Guddigu waxaa ay sheegeen in 35 hablood ay ku xiran yihiin Xabsiyada Somaliland, kuwaasi oo ay sheegeen in ka xun yihiin tallabada ay qaadeen Boolisku ee ay kusoo xir xireen dhallinyaraadaasi dabbaal dagaysay.
Hoos ka akhriso Warqadda kasoo baxday Guddiga Xuquuqul Insaanka